Israa’iil oo 18 qof ku dishay Qaza

0
24

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-11 qof oo ay carruur ka mid yihiin ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Qaza.
Tani ayaa qayb ka ah weerarrada ay Israa’iil ka gaysanaysa dhulka Falastiin.
Sidoo kale, waxaa la soo tabiyay in toddobo qof oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin afar carruur ah lagu dilay weerar lala eegtay guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Yabna ee Magaalada Rafah.

Dhanka kale qaramada midoobay , Maraykanka iyo kooxaha u ololeeya xuquuqda Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay weerarrada ay Israa’iil ka wado Daanta Galbeed.
Qaybaha kala duwan ee caalamka waxaa ka socdo bannaanbaxyo lagu tageeraya Falastiin oo lagu dalbanaya in cunaqabateyn lagu soo rogo shirkadaha taageera Israa’iil.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,843 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 76,575 kale.