Barcelona Oo Xaqiijisay In Hansi Flick Uu Noqonayo Tababaraheeda Kaddib Caydhintii Xavi Hernandes

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhamaystirtay heshiiska tababaraha reer Germany ee Hansi Flick oo noqon doona macallinkooda xilli-ciyaareedka dambe, waxaana uu beddelayaa Xavi Hernandez oo maanta ay Barcelona si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqada ka eriday.

Xavi Hernandez oo laba toddobaad ka hor beddelay go’aankii uu qaatay bishii February ee ahaa inuu ka tegayo kooxda, isla markaana hadalkiisa dambe ahaa inuu sii joogayo Camp Nou, ayaa maanta ay seeftu qaadday, waxaana beddelkiisu uu noqonayaa khabiirka reer Germany ee Hansi Flick.

Salaasadii ayay Deco iyo Bojan kula kulmeen Hansi Flick magaalada London oo uu ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay wada-xaajoodyo in muddo ah kula jireen wakiilkiisa oo lagu magacaabo Pini Zahavi.

Heshiiska ay dhinacyadu isla meel-dhigeen ayaa ah laba sannadood oo ka bilaabmaya bisha June ee foodda inagu soo haysa, kuna dhamaan doona badhtamaha sannadka 2026.

Hansi Flick ayaa gacanyareyaashiisa ka dhigan doona laba tababare ku-xigeen oo u dhashay waddankiisa Germany, waxaana heshiiska la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo saacadaha soo socda.