Dowladda Imaraadka Carabta oo gargaar ku taageeri doonta 2.5 milyan oo qof

0
1763

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo sida in ka badan 1,000 tan oo raashin iyo gargaar ah ayaa Soomaaliya soo gaaray si uu u taageero malaayiin qof oo ay saameeyeen abaarihii ugu xumaa ee dalka ka dhacay dhowr iyo toban sano.

Shixnaddan oo ah mid aad u muhiim ah ayaa la soo dejiyay dekedda magaalada Muqdisho.

Hay,addaha dowladda Imaraadka Carabta ayaa bilaabay in sahaydaan loo qeybiyo qoysaska dhibaateysan iyo dadka barakacayaasha ah.

Gargaarka ayaa lagu taageeri doonaa ilaa 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaro ba’an oo ka dhashay roob la’aan saddex xilli oo xiriir ah.

Gargaarkan ayaa yimid bil kadib markii Imaaraadku uu dalka usoo diray markab sida 572 tan oo sahay cunto ah.

Hal milyan oo qof ayaa hadda dalka ku barokacay abaarta ba’an tan iyo bishii Jannaayo 2021-kii, sida ay muujinayaan tirokoob ay Khamiistii soo saareen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, UNHCR iyo Hay’adda Norwegian Refugee Council.