Iska Illow Arne Slot: Tababarihii Uu Jurgen Klopp La Doonayey Liverpool Oo La Ogaaday

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jurgen Klopp ayaa la ogaaday in aanu doonayn in Liverpool ay magacowdo Arne Slot oo ka beddeli doona kooxda uu sagaalka sannadood soo tababarayey, waxaana uu la jeclaa macallin kale oo hadda ay saxaafaddu soo bandhigtay magaciisa.

Jurgen Klopp oo Sabtidii ay macasalaamaysay Liveprool, ayaa waxa beddelkiisa ay Liverpool u magacowday tababaraha reer Netherlands ee Arne Slot oo hadda ahaa macallinka kooxda Feyenoord, kaas oo xilka la wareegi doona June 1.

Wargeyska The Athletic ee aadka loogaga dambeeyo xogta ciyaaraha ayaa sheegay, in Jurgen Klopp uu doonayey in Liverpool ay tababaraheeda cusub ka dhigato gacan-yarihiisii Pep Lijnders oo isaguna si cad ugu sheegay saxaafadda in aanu Klopp kaga hadhaynin Anfield.

Pep Lijnders oo toddobaad ka hor loosii magacaabay tababaraha RB Leipzig ayaanu Jurgen Klopp si cad ugu sheegin saxaafadda inuu la doonayey inuu noqdo tababaraha cusub, hase yeeshee The Athletic ayaa ku dooday inuu ahaa dookha koowaad ee Klopp ee uu ku aamini lahaa Anfield.