Guddoomiyaha Guud ee Barakacayaasha Degmada Dhoobley oo kawarbixiyay xaalada Barakacayaasha.

0
24

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta badan Barakacayaasha ku nool Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa wajahaya Hooy la’aan Maadaamo la galay xili roobaad islamarkaana ayna aheyn Guryaha ay dagan yihiin kuwa celin kara Dhibicda Roobka.

Guddoomiyaha Guud ee Barakacayaasha Magaalada oo wareysi siiyay Idaacadda Sanguuni ayaa ayaan wax ka weydiinayay xaalada ay ku sugan yihiin xiligan Barakacayaasha Degmada.

Dhan kale Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Sheegay in ay wadaan Qorshe ay Beero ugu sameynayaan Barakacayaasha Dhoobley islamar ahaantaana ay horay ugu wareejiyeen Qaar kamid ah Barakacyaasha Dhul ay Beertaan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya