Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga qaban qaabada maalmaha Xoriyadda

0
23

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yusuf Cali-Xoosh oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta shir guddoomiyey kulankooda.

Guddigan heerkiisu sarreeyo oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu gaboon ee loo fulin karo.