Daawo Rigooradii Ugu Xumeyd Abid Oo Xalay La Liga Ka Dhacday Weliba Daqiiqadii 97aad

0
24

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taageerayaasha ayaa aamini waayay ka dib markii ay arkeen Ante Budimir oo tuuray rigooradii ugu xumeyd taariikhda kubada cagta kulankii xalay.

Osasuna ayaa 1-0 lagu hogaaminayay kulankii Valencia laakiin waxay heleen fursad ay ciyaarta ku barbareyn kareen markii rigoore loo dhigay.

Budimir oo ahaa xidigii rigoorada lagu galay ayaa rigoorada u istaagay daqiiqadii 97aad, laakiin wixii uu sameeyay waxay noqdeen wax aan muddo dhow la ilaawi doonin.

Orod qaab daran ayuu sameeyay ka hor inta uusan hakanin ilbiriqsi isagoo damcayay inuu panenka dhaliyo laakiin way ka xumaatay, wuxuuna tuuray kubadii ugu daciifsaneyd abid taasoo keentay in goolhayaha uu si aayar ah u qabsado.

 

 

Tabiyaha ciyaarta ayaa soo koobay wixii garoonka ka dhacay isagoo yiri: Waa rigooradii ugu xubeyd ee aad aragto, hubaashii xilli ciyaareedkan iyo malaha abid.”

Budimir ayaa madaxa gacmaha saartay oo indhaha xoqday isagoo ku duceysanayay in dhulka uu galo ceeb darteed.

Wuxuu noqday hadal heynta baraha bulshada iyadoo taageerayaasha kubada cagta ay ku maadeysanayeen.

Taageere ayaa soo qoray: “Hambalyo Ante Budimir. Waxaad tuurtay rigooradii ugu xumeyd ee abid la arkay.”

Mid labaad ayaa soo qoray: “Qof walba oo isku daya inuu xarakeeyo rigoorada wuu u qalmaa inay sidaan ku dhacdo.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Waxaan dhihi karaa waa rigooradii ugu xumeyd aan abid arkay.”

Mid afaraad ayaa ku kaftamay: “Haddii ay tani igu dhici laheyd isla goobta ayaan ciyaaraha uga fariisan lahaa.”