Maxaa Dhexmaray Mauricio Pochettino & Dele Alli Xalay Oo Soo Jiitay Taageerayaasha Premier League?

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taageerayaasha ayaa jeclaaday waqti fiican oo ku dhexmaray Sky Sports Dele Alli iyo Mauricio Pochettino kulankii xalay ee Chelsea iyo Everton.

Dele Alli ayaa marti ku ahaa istuudiyaha Sky Sports isagoo ciyaarta Everton iyo Chelsea la falanqeynayay Jamie Carragher.

Xiddiga Ingariiska ayaa weli qandaraas kula jira kooxda Everton laakiin hal kulan xitaa uma safanin xilli ciyaareedkan kooxda sababo la xiriira dhaawac uu qabo.

Waxa uu si fiican u falanqeeyay guuldarradii 6-0 ee kooxdiisa Everton ka soo gaartay Chelsea, isagoo sidoo kale falanqeeyay ciyaarihii todobaadkan la dheelay.

Si kastaba, waqtigiisii ugu fiicnaa ee Dele Alli waxay aheyd ciyaarta ka hor markaasoo uu fariin farxad gelisay ka helay tababarihiisii hore Pochettino.

Tababaraha reer Argentina ayaa ka hadlayay shaxda uu ciyaarta ku soo galay, laakiin waxa uu ku faraxsanaa inuu salaamo Alli.

Ka dib markii uu xiddigisii hore ku soo daawaday qolka tababaraha, Poch ayaa yiri: “Waxaan rabaa inaan salaamo Dele alla muxuu ciyaaryahan yahay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku arko.”

Dele Alli oo dhawan sheegay inuu la dhibtoonayo xanuuno la xiriira dhimirka ayaa dhoolaceyn weyn ku dhuftay markii uu salaan ka maqlay tababarihii ugu danbeeyay ee qaab ciyaareed fiican ka soo saara xiddigaan.

Taageerayaasha Premier League ayaana ku amaanay Pochettino inuu niyada u dhisay Dele Alli oo xaalad xun ku jiray sannadihii ugu danbeeyay.