Mareykanka oo rajo ka muujiyay in Xamaas ay aqbali doonta xabbad joojinta cusub ee Israa’iil

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay inuu “ku rajo weyn yahay” in Xamaas ay aqbasho waxa uu ku tilmaamay “deeqsinimo aan caadi ahayn” ee hindisha xabbad joojinta Qasa ee Israel. Mr Blinken, oo ka qayb galaya wadahadallo uu la yeelanayo dhiggiisa gobolka shirka ka dhacaya Sucuudiga, ayaa ka hadlay wafdiga Xamaas ee ka qayb galaya wada xaajoodyada xabbad joojinta ee aan tooska ahayan ee ka socda Masar.

Ka dib toddobaadyo ay xaaladdu cakirneyd , Xamaas ayaa lagu soo warramayaa in aysan “dood weyn ka qabin” qorshaha ay dib ugu eegeeyso, qorshaha xabdjoojinta ee ay Israa’iil ansaxisay .

Waxaa la sheegay inay ku jirto erayo cusub oo ku saabsan joojinta dagaalka.

Mr Blinken ayaa mar kale xaqiijiyay in Mareykanka uu ka soo horjeedo duulaanka Israel ay qorsheyneyso inay ku qaado magaalada Rafah, isagoo sheegay in uusan arag wax qorshe ah oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

20 qof ayaa ku dhimatay duqeymo habeenimadii xalay ahayd ay fuliyeen diyaaradaha Israel.

Sidoo kale, wada-hadallada ka dhacaya Riyaad waxaa jooga Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda – Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani – oo ku baaqay in heshiis la dhex dhigo Israel iyo Xamaas