CHAMPIONS!! PSG Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Faransiiska Iyadoon Ciyaarin

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 markii 12aad taariikhdeeda, waxaana ay guusha caawa xaqiijisteen iyadoo ciyaartoydeedu iska joogaan guryahooda oo aan ciyaarin.

PSG ayaa Sabtidii barbarro 3-3 ah la gashay Le Havre, waxaanay 12 dhibcood oo nadiif ah ka sarraysay AS Monaco oo ah kooxda kusoo xigta iyadoo horyaalkana la dheelay kulamadii 31aad, laakiin isbeddel ayaa dhacay Axaddii maanta kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah la kulantay Monaco.

Lyon ayaa 3-2 ku garaacday AS Monaco oo haddii ay badin lahayd dib usii dhigi lahayd waqtiga ay PSG ku guuleysanayso horyaalka, balse waxa caawisay Lyon oo guul-darro u xambaarisay kooxda kaalinta labaad ku jirtay.

Ben Yedder ayaa AS Monaco hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 1aad ee bilowga ciyaarta, laakiin Lyon ayaa ugu jawaabtay laba gool oo daran-doorri ahaa oo ay u kala dhaliyeen Alexandre Lacazette iyo Benrahma, waxaana lagu kala nastay 2-1 ay hoggaanka ku haysay Lyon.

Mar kale ayuu Ben Yedder kusoo laabtay gool-dhalinta oo uu qaybta labaad gool labaad u keenay Monaco oo uu ciyaarta ka dhigay 2-2, laakiin Malick Fofana ayaa gool kale ugu jawaabay oo ciyaarta ka dhigay 3-2, sidaasna guusha ugu go’aamiyey kooxdiisa Lyon iyo sidoo kale PSG oo uu goolkiisu sabab u noqday in caawa ay xiddigaha PSG u dabbaal-degaan hanashada horyaalka.

PSG ayaa waxa ay hoggaanka ku haysaa 12 dhibcood oo nadiif ah iyadoo horyaalkana ay saddex kulan ka hadhsan yihiin, waxaana sidaas ay caawa ku noqdeen horyaalka Faransiiska markii 12aad taariikhdooda.

31kii ciyaarood ee ay PSG dheeshay xilli-ciyaareedkan horyaalka Faransiiska, waxa kaliya oo laga badiyey hal mar, iyagoo dhaliyey 76 gool halka iyagana laga dhaliyey 29 gool.

Kylian Mbappe ayaa ah ciyaartoyga ugu goolasha badan oo u dhaliyey 26 gool, waxaana muuqata in uu heli doono abaal-marinta kabta dahabka ah maadaama ciyaartoyga ugu soo dhow ee la tartamaya uu haysto 18 gool.