Barcelona Oo Xulatay Saxeexeeda Koowaad Ee Xagaaga Iyo Lacagta Lagu Xidhay

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dooratay xiddiga khadka dhexe ee ay la saxeexanayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, kaas oo lacago badan lagu xidhi doono balse uu Xavi Hernandez ku riixi doono maamulka naadiga in ay helaan wax kasta oo laacibkan lagu soo xero-gelinayo.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo badan, sida Joshua Kimmich iyo Martin Zubimendi oo khadka dhexe ah, sidoo kalena Bernardo Silva iyo Alexander Isak ayaa ku jira magacyada ugu horreeya ee lasoo qaado marka laga hadlayo ciyaartoyda ay Barcelona isku dayi doonto inay la saxeexato.

Laakiin warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegay inuu jiro ciyaartoy kale oo aan ahayn afarta sare ku xusan oo uu doonayo Xavi Hernandez, isla markaana ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad, waana khadka dhexe ee kooxda Everton ee Amadou Onana.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa waxa ay dooratay in ay la saxeexato Amadou Onana oo lagu naanayso ‘Yaya Toure-ha cusub’, kaas oo ay hore u doonayeen kooxo ay ka mid tahay Arsenal.

Qaab-ciyaareedka laacibkan oo ay ku lahdan tahay akhlaaq iyo dedaal, ayaa Barcelona ay rumaysan tahay inuu ku habboon yahay falsafaddeeda, sidaas daraadeed ayaanay uga doorbidayaan Joshua Kimmich iyo Zubimendi, inkasta oo laacibka dambe uu yahay burburiye ay u arkaan inuu buuxinayo booskii Sergio Busquets.