Dowladda Kenya oo dib u dhigtay furitaanka dugsiyada

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya Dr Ezekiel Machogu ayaa hal toddobaad dib u dhigay dib u furka dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in maanta dib loo furo iskuullada ee sanad dugsiyeedka labaad ee 2024-ka.
Dugsiyada ayaa dib loo furi doona 6-da bisha Shanaad ee May ee toddoobadka dambe.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay roobabka xooggan ee wali da’aya iyo daadadka ka dhashay.
Sidoo kale biyaha roobabka ayaa saameeyeen ilaa 150 dugsiyo ah guud ahaan Kenya.