CHAMPIONS!! Bayern Leverkusen Oo Ku Guuleysatay Horyaalkeedii Ugu Horreeyey Oo Rikoodh Jabis Noqday

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyey ee waddanka Germany ahna koobkii saddexaad ee abid ay kooxdaasi qaaddo, inkasta oo ay jirtay 120 sannadood.

Leverkusen ayaa guusheedu ay noqotay mid taariikhda gashay, waxaanay horyaalka qaadday iyadoon marnaba la kulmin wax guul-darro ah xilli-ciyaareedkan oo dhan dhamaan tartamada isla markaana 16 dhibcood oo nadiif ah ka horreysa Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirta.

Kooxda tababare Xabi Alonso ayaa 5-0 ku xasuuqday Werder Bremen oo marti ugu ahayd BayArena Stadium, halkaas oo markii ay ciyaartu dhamaatayna ay gudaha usoo wada galeen taageereyaashu oo ay si weyn ugula dabbaal-dageen ciyaartoyda kooxdooda iyo Xabi Alonso.

Bayern Leverkusen oo xilli-ciyaareedyadii 1999-2000 iyo 2001-2002 ciyaartii ugu dambaysay horyaalka lagu garaacay oo lagaga guuleystay ayaa soo afjartay abaarta 120ka sannadood ka haysatay horyaalka Bundesliga.

Magaalada Leverkusen oo ay ku nool yihiin dad tiradoodu ka yar tahay 170,000 qof, ayaa xanuun badan oo guul-darro oo haysatay maanta soo afjartay, waxaanay sidoo kale soo gunaanadday 11 sannadood oo ay Bayern Munich si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Bundesliga.

Dhinaca kale, Bayer Leverkusen ayaa waxa ay ku tartamaysaa laba koob oo kale oo ah German Cup oo ay finalka taagan tahay iyo Europa League oo ay wareegga sideedda lugtii hore kusoo garaaceen West Ham.