AFARTII Qalad Ee Uu Sameeyey Mikel Arteta Ee Sababta U Noqday Guul-darradii Arsenal

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa lumisay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay guul-darro 2-0 ah kala kulmaan, waxaana hadda figta sare ku raaxaysanaysa Manchester City oo Sabtidii guul weyn gaadhay, waxaana hadda laba dhibcood hoggaanka ku haysa kooxda tababare Pep Guardiola.

Gunners ayaa haysatay fursad ay kali ugu noqon lahayd hoggaanka horyaalka maadaama waqti hore oo maanta ah ay guul-darraysatay Liverpool oo ay isku dhibco ahaayeen, waxaana ay weerarro bilowgiiba ku qaadday goolka Aston Villa oo iyaduna u dagaallamaysay libin usoo celisa kaalinta afraad ee ay Tottenham ku qabsatay.

Kai Havertz iyo Gabriel Jesus ayaa helay fursado badan oo uu goolhaye Emiliano Martinez ka badbaadiyey, sidoo kalena Leandro Trossard ayaa uu nasiibku diiday qaybta hore, halka Aston Villa ay goolashooda keeneen daqiiqadihii 83aad iyo 87aad.

Tababare Mikel Arteta ayaa sameeyey dhawr qalad oo dumiyey kooxdiisa intii ay socotay ciyaartu, waxaana aynu halkan kusoo qaadaynaa afartii ugu waaweynaa.

1. Weerarkii tirada badnaa ee keenay in khadka dhexe diciifo

Iyadoo uu ogyahay khatarta weerarka rogaal-celinta ah iyo xiddigaha orodka badan ee ay haysato Aston Villa, ayaa uu Mikel Arteta ku ciyaaray xeelad ku dhisan weerar oo ay ka maqan tahay taxadarka difaaca.

Arteta ayaa waxa uu kusoo galay ciyaarta Kai Havertz, Leandro Trossard, Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus oo dhamaantood weeraryahanno ah isla markaana aan shaqo difaac qabannin. Waxa kale oo uu soo raaciyey Martin Odegaard oo isaguna aan lahayn hab-difaac oo kaliya hal-abuurka ku koobnaado, taas oo keentay in khadka dhexe uu kali ku noqday Diclan Rice.

Aston Villa marka ay kubadda soo qaadato waxay si fudud ku imanaysay duleedka xerada ganaaxa Arsenal, waxaana muuqatay in Gunners ay aad u tebaysay Jorginho difaaca caawin lahaa, sidoo kalena kubbad-haynta iyo weerar-geynteeda sare ugu qaadi lahaa Arsenal.

2. Zinchenko oo uu kusoo bilaabay

Difaaca bidix ee reer Ukraine ayaa kusoo bilowday dhinaca bidix iyadoo uu Arteta fadhiisiyey Jakub Kiwior, waxaanay taasi keentay in laba jeer laga soo galo dhinacaas oo goolal laga dhaliyo waqtigii dhamaadka.

Declan Rice ayaa marar badan caawiyey Zinchenko oo afka hore u dhaqaaqay, waxaanay taasi keentay inay furanto dhaxdu, halka William Saliba iyo Gabriel Magalhaes uu culays badan kaga imanayey difaaca bidix.

Bailey oo dheereeya iyo Watkins oo ay halistiisu badan tahay ayaa iska beddelayay garabka midig ee Aston Villa ee ku beegnaa Zinchenko, waxaana difaac ahaan xasillooni ay Arsenal dareemi lahayd haddii uu halkaas ka ciyaari lahaa Kiwior.

3. Xeeladdii uu beddelay

Arsenal qaybta hore si fiican ayay ciyaarta u maamulaysay, waxaana haddii ay kusii wadan lahayd ay heli lahayd fursado badan sida qaybta horeba dhacday ee aanay ka faa’iidaysanin. Laakiin Mikel Arteta waxa uu qaybta dambe beddelay xeeladdiisa, waxaana uu amray in kubbado sare la ciyaaro oo madax loo saaro Kai Havertz iyadoo khadka dhexe iyo garbaha kubadda laga soo qaadayo.

Weeraryahanka reer Germany waa uu ku xooggan yahay, kuna fiican yahay kubbadaha sare ee madaxa ah, laakiin waxa uu waajahayey difaacyahanno xooggan, dhaadheer oo iyaguna aad ugu wanaagsan madaxa, sida Pau Torres, Ezri Konsa iyo Diego Carlos.

Tani waxa ay keentay in qaybta labaad ay Arsenal u muuqato in aanay joogin garoonkeeda Emirates Stadium, waxaana qalad ku ahayd Mikel Arteta in uu xeeladdiisa ciyaareed u beddelo qof kaliya oo uu guusha ka sugo.

4. Beddelka oo uu ku fogaaday

Beddelkii ugu horreeyey ee uu sameeyey Mikel Arteta waxa uu ahaa difaaca midig ee Ben White, waxaana uu booskiisa keenay Takehiro Tomiyasu oo sida xeeladdiisa laga dareemayo uu u arkayay inuu weerarka kaga fiican yahay White. Waxa kale oo uu keenay Gabriel Martinelli oo daqiiqaddii 67aad uu ku beddelay Trossard.

Mikel Arteta ayaa haddana daqiiqaddii 79aad is-raaciyey Odegaard iyo Gabriel Jesus oo uu boosaskooda keenay Jorginho iyo Emile Smith-Rowe.

Waxa ay beddelladani keeneen in ay hore iskula jaan-qaadi waayaan ciyaartoyda lasoo geliyey, isla markaana Aston Villa ay gool-dhalinteeda bilowday daqiiqaddii 83aad oo ah afar daqiiqadood kaddib markii ay baxeen Odegaard iyo Jesus.