Namibia oo hakisay ruqsadda shirkad Ruush ah oo Uranium ka qodda dalkaas

0
39
Die Grube der Rössing-Mine bei Swakopmund

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamad ku taalla dalka Namibia ayaa dhegaysanaysa racfaan ay ka qaadatay wakaaladda tamarta atomikada ee Ruushka ee loosoo gaabiyo Rosatom, taas oo doonaysa inay hesho ogolaanshaha la xidhiidha biyaha loo isticmaalo macdanta Uranium-ta.

Dawladda Namibia, oo ah tan labaad ee dunida ugu badan, soo saarista shidaalka Nukliyeerka, ayaa sannadkii hore sheegtay in shirkadda ay leedahay dawladda Ruushku ee Rosatom, inay ku guul daraysatay inay caddeeyaan, inaan habka ay u qodayaan macdanta Uranium-tu inaanu keenaynin wasakhawga hawada.

Shirkadda macdanta ayaa maxkamadda ka codsatay inay dhinac iska dhigto go’aanka wasaaradda beeraha, biyaha iyo dib u habaynta dhulka, iyada oo ku sababaysay inuu ka hor imanayo qodob ka mid ah dastuurka Namibia oo dhigaya in hay’adaha maamulku ay u dhaqmaan si cadaalad ah oo macquul ah

Afhayeen u hadlay shirkadda laga leeyahay Ruushka ayaa sheegay in shirkaddu ay inay ka dalbatay maxkamadda sare dib u eegis ku aaddan go’aan wasaaradda beeraha, isla markaana ay tixgeliso ogolaanshaha qodista.