MUHIIM: Mikel Arteta Oo Xogtii La Sugayay Ka Bixiyay Dhaawacyadii Saliba Iyo Tomiyasu

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay dhaawacyadii xalay daafacyadiisa Takehiro Tomiyasu iyo William Saliba ku gaadhay kulankii Sporting Lisbon

Gunners ayay xalay kooxda caasimada Portugal ka socotay ka cidhib-tirtay UEFA Europa League oo ay wareega 16-ka kaga hadheen taas oo ka dhigan inay haatan kaliya fursad u haystaan hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Granit Xhaka ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay kulankaas daqiiqadii 19-aad balse waxa gool cajiib ah oo uu badhtamaha garoonka ka dhaliyay ku barbareeyay Pedro Goncalves.

Mikel Arteta ayaa shan isbedel ku sameeyay shaxdii ay kooxdiisu Fulham kaga soo adkaatay Axadii balse daqiiqadii sagaalaad ee kulanka ayuu bedel ku sameeyay Tomiyasu oo isagu is-dhaawacay.

Labada xiddig midka dhaawaciisu sii daran yahay ayaa ah Tomiyasu kaas oo la arkay isagoo kulanka kaddib garoonka ka baxaya xilli uu biro ku boodayay.

Arteta ayaa sidaas si lamid ah caddeeyay ciyaarta kaddib isagoo muujiyay in dhaawaca Tomiyasu ka halis badan yahay midka Saliba.

“Tomiyasu dhaawaciisu wuxuu u muuqdaa mid aad u halis badan markaad ka eegto falcelintiisii tooska ahayd iyo wixii uu igu yidhi balse sida cad wali waa xilli hore” ayuu yidhi Mikel.

“Willy (Saliba), ma garanayo, wuxuu dareemay waxoogaa raaxo la’aan ah manuu sii wadi karin sidaas darteed inaanu bedelno ayay noqotay”.