Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa ugu dambeyntii soo bandhigay ragga maamuli doona Shiinaha shanta sano ee soo socota.

0
137

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Joogtada ah ee Politburo waxa uu dhigmaa golaha wasiirada ee madaxtooyada Shiinaha.

Waxa lagu tiriyaa in ay yihiin akhyaar sare oo ka tirsan xisbiga, in la gaaro meesha ugu sarraysa inta badan waxa ay u baahan tahay ma aha oo kaliya taariikh-siyaasadeed oo heersare ah, balse waxa ay sidoo kale u baahan tahay in qofka uu weecin karo loollanka iyo mucaaradka gudaha.

Ma ahan wax aan caadi aheyn in isku shaandheyn ballaaran lagu sameeyo Guddiga Joogtada ah marka uu dhamaado muddo xileedka, mana ahan wax ka duwan kuwii hore.

Intooda badan raggan uu soo xushay madaxweyne Xi Jinping, waa ay ku cusub yihiin kooxda marka laga reebo Zhao Leji iyo Wang Huning. Inta badan, haddaysanba dhammaantood ahayn, waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo daacad u ah Xi.

Waa kuwan ragga uu hoggaamiyo Madaxweyne Xi, ee majaraha u haya awoodda Shiinaha.

Li Qiang

Da’diisu waa 63 jir.

Jagadiisa siyaasadeed ee hadda waa xoghayaha xisbiga ee Shanghai.

Waxaa loo arkaa saaxiibka hoose ee Xi ee aadka uu ugu kalsoon yahay, Li wuxuu ka soo shaqeeyay gobollada yaryar ee ka tirsan gobolka Zhejiang. Markii Xi uu ahaa madaxa xisbiga ee Zhejiang, Li waxa uu ahaa madaxa shaqaalaha.

Zhao Leji

Da’diisu waa 65 sano jir.

Jagada hadda uu haya waa: Madaxa guddiga u qaabilsan ilaalinta anshaxa.

Zhao ayaa waxaa loo arkaa inuu yahay xidig dhanka siyaasadda Shiinaha, waxa uuna xiriir dhow la leeyahay gobolka Shaanxi sida madaxweyne Xi.

Wang Huning

Da’diisu waa 67 sano jir.

Jagada hadda uu hayo waa xoghayaha guud ee Xisbiga Shuuciga ah.

Wang oo barafasoor hore ah, waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay maskaxda ka dambeysa fikrado badan oo ay isticmaalaan Xisbiga Shuuciga ah.

Cai Qi

Da’diisu waa 66 sano jir.

Jagada uu hadda hayo waa duqa magaalada Beijing.

Waxa uu xiriir dhow la leeyahay Xi oo uu dacad u yahay, wuxuuna ka soo shaqeeyay  gobollada Fujian iyo Zhejiang.

Ding Xuexiang