Erik Ten Hag Oo Toos U Tilmaamay LABA Xiddig Oo Ku Sababay Inay Guul Kasoo Gaadhi Waayeen Chelsea

0
124

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa tilmaamay sida ay guul uga soo gaadhi karayeen dhigooda Chelsea kulankii ay xalay labada kooxood barbardhaca ku galeen Stamford Bridge.

Casemiro ayaa daqiiqadii 94-aad ee kulankaas gool madax ah ku kansalay rigoore uu Blues hoggaanka ugu dhiibay daqiiqadii 87-aad Jorginho.

Labada ciyaaryahan ee uu Ten Hag sida gaarka ah u tilmaamay ayaa ah Marcus Rashford iyo Antony oo uu qabo in saddex fursadood oo fiican oo ay qaybtii hore heleen goolal u bedeli karayeen.

Man United ayaa qaab wanaagsan ku bilaabatay ciyaarta iyadoo ku qasabtay in tababare Graham Potter uu bedelo taatikadii uu kulankaas kusoo talo-galay isla qaybtii horeba.

Dhinaca kale Ten Hag ayaa si weyn ugu amaanay kooxdiisa inay guuldarro ka dagaalantay ciyaartaas iyagoo kulankoodii afraad tobban maalmood gudahood ku dhawaad shax isku mid ah ku ciyaarayay.

“Waa inaan amaan weyn siiyo kooxdayda, inay dib u dagaalamaan kulankii afraad ee tobban maalmood gudahood, waad aragtaan dareenka ficil iyo sida ay dib u dhacyada ula tacaalayaan, dhab ahaan waa mid wanaagsan” ayuu yidhi ETH.

“Qaybtii hore Rashford laba fursadood oo waaweyn ayuu helay, Antony mid fool-ka-fool ah ayuu helay, waa inaad goolal dhalisaa wakhtiyadaas oo kale sababtoo ah kulamada waaweyn saddex fursadood waa wax weyn, waa inaad dhalisaa”.