Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay.

0
10
FILE PHOTO: British opposition Labour Party leader Keir Starmer attends a Labour general election campaign event, in Norton Canes, Britain July 2, 2024. REUTERS/Claudia Greco/File Photo

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiga Labour-ka ayaa guul weyn ka gaadhayy doorashada guud ee dalka UK iyada oo la shaaciyey inuu ku guulaystay doorashadaas.

Xisbiga Labourka oo uu hogaaminayo Sir Keir Starmer, ayaa helay codadkii ugu badnaa ee golaha Barlamaanka UK.

Tirada ay heleen xisbiga shaqaalaha ayaa dhan 370 kursi oo ka mida kuraasta aqalka barlamaanka UK ee la yiraahdo House of Commons oo ka kooban 650 kursi.

Tan ayaana ka dhigaysa in Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK uu noqday Sir Keir Starmer.

Xisbiga Conservative-ka ayaa helay 90 kursi taas oo ka dhigan in dhowr iyo tobban sano ka dib ay lumiyeen tiradii ay ku lahaayeen barlamaanka UK.

Liberal Democrat, ayaa helay 51 kursi, xisbiga Scottish National Party ayaa helay isna 6 kursi.

Waxaa kale oo jira tiro murashaxiin oo si madaxbannaan u tartamayey oo iyana guulaystay

Xisbiga shaqaalaha oo muddo 14 sano bannaanka ka joogay hogaaminta UK ayaa hadda helay fursad ay ku hogaamiyaan dalka oo la daala dhacaya mushkilado tamartu ay ka mid tahay