Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida ee AUN guddoomiye Prof. Jawaari

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 28-kii bishii luuliyo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, waxaana aas qaran oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda loogu sameeyay isla magaalada Mqudisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana Muqdisho ka furay buugga tacsida ee AUN guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.