Bulshada Deegaanka Godjeerin oo codsaday in laga caawiyo baahiyaha Waxbarashada

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada Deegaanka Godjeerin oo hoos tagta Degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ay sheegeen inay Deegaanka ka jiraan baahiyo waxbarasho.

Sanad ka hor ayaa markii ugu horraysay Deegaankaas laga hirgeliyay Iskuul ay dadka Deegaanku qaab isxil-qaan ah ku hirgeliyeen.

Madaxa waxbarashada Degmada Baxdo Cabdullahi Beynaad iyo xubno ka socdey midowga Dhalinyarada Degmada Baxdo ayaa safar daarnaa u kuur galida baahiyaha waxbarasho ku tagey Deegaanka Godjeerin ee hoos taga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa