Dadka ku dhintay Xajka sanadkan oo kor u dhaafay 1,000 qof.

0
21

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof iyadoo in ka badan kala bar ay yihiin dad aan diiwaangashanayn oo aan wadanin ruqsadii xajka.

Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar, sida uu sheegay diblomaasi Carab ah, kaasi oo sheegay in 658 Masaari ah oo dhintay, ay 630 ka mid ah ay ahaayeen xujaaj aan diiwaangashanayn. Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan.

Xajka, sannadkan ayaa mar kale ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga.

Xarunta qaran ee saadaasha hawada ayaa sheegtay in kuleylku ka kor mari doono 51.8 cabirka kuleylka toddobaadkan masaajidka weyn ee Mecca.

Sannad kasta tobanaan kun oo xujey ah ayaa isku daya inay xajka ku gutaan iyagoon diiwangashaneyn, maadaama aanay awoodin inay iska bixiyaan ruqsadaha rasmiga.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in boqolaal kun oo xujey ah oo aan diiwaangashaneyn ay ka nadiifiyeen magaalada Makka bishan, laakiin waxay u muuqataa in qaar badan ay wali ka qeybqaateen cibaado xajka oo soo bilaabatey jimcihii lasoo dhaafay