Wasiir Biixi oo khudbad ka jeediyey shirka horumarinta maaliyadda Carabta oo lagu qabtay Qaahiro

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Qahira ee Caasimada Dalka Masar ayaa Maanta khudbad ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya ka jeediyey shirka horumarinta maaliyadda hey’adaha iyo dowladaha Carabta oo shalay ka Furmay Magaaladaasi.

Maalinta labaad ee Shirka oo gaar u ahaa Wasiirada Maaliyada Dalalka Carabta ayaa Wasiirka Maaliyada XFS waxaa uu hadal jeedintiisii diirada ku saaray dadaaladii Dowlada Soomaaliya ee dibu habeynta hanaanka Maaliyada iyo Horumarinta hanaanka dakhliga oo hada ku socda wado wanaagsan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya