Qoysas Danyar ah oo ku dhaqn Waqoyiga Kismaayo oo la siisay 1,500 oo neef oo Ari

0
31
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Jubbaland ayaa maanta 300 oo qoys guddoonsiisay ilaa 1,500 oo neef oo ari ah iyadoo halkii qoys ay fursad u heleen ilaa 5-neef oo Ari ah.
Qoysaskan lagudoonsiinayay Ariga ayaa ah kuwo ay si weyn u saameeysay isbadalka cimilada iyo fataahadihii kadhashay daadadkii El-nino.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal badan ku bixinaysa sidii loo garab qaban lahaa qoysaskii ku xoolo belay abaaraha iyo daadadkii ku dhuftay deegaanada Jubbaland.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya