Muxuu Xabi Alonso Ka Yiri Rikoodhkii Laga Jabiyay, Jugtii Ka Soo Gaartay Atalanta & Koobkii Europa League Ee Laga Qaaday?

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xabi Alonso oo dharbaaxo lama filaan ah kala kulmay dhigiisa Gian Piero Gasperini ayaa ka labalabeynin uu aqbalo guuldaradii soo gaartay iyo inkastoo laga awood badnaa.

Atalanta ayaa 3-0 ku xasuuqday Bayer Leverkusen finalka Europa League iyadoo Lookman seddexleey taariikhi ah dhaliyay.

“Atalanta way inaga fiicneyd. Uma aynan ciyaari karin sidii aan rabnay, ka dib goolkii koowaad, Atalanta waxay heshay tamar badan. Diyaar ayaan u aheyn raacashada hal ka halka ah, laakiin waan guuleysan weynay ayuu yiri Alonso.

“Ma aheyn maalinteena. Waa wax ceeb ah inay tani nagu dhacday ciyaar final ah, wax kale oo aan sameyn karno ma jirto oo aan ka aheyn inaan aqbalno. Waa guuldaradeenii ugu horeysay, waa wax nagu cusub, laakiin nolosha waa inay horay u socoto.”

Atalanta ayaa jabisay rikoodhkii guuldarro la’aanta Bayer Leverkusen oo 51 kulan ahaa, waxayna ka horjoogsadeen inay isku qaadaan seddexda koob iyadoo Leverkusen ay sidoo kale joogto finalka German Cup ka dib markii ay ku guuleysteen Bundesliga.

Alonso ayaa dusha saartay qaladaadkii dhacay xalay ee sababay in kooxdiisa laga qaado koobka: “Ciyaarta ka dib ayaan qiimeyn doonaa wixii dhacay, waxaa jiray qaladaad qaar oo kuweyga ay ku jiraan. Iska horimaadyo badan ayaan ku fashilanay, taatikadeena way shaqeyn weysay, laakiin dib u eegno oo aan wax ka barano qaladaadkeena.”