CHAMPIONS!! Atalanta Oo Ku Guuleysatay Europa League & Rikoodhkii Leverkusen Oo Oohin Kusoo Dhamaaday

0
31

Kooxda kubadda cagta Atalanta ayaa ku guuleysatay koobka Europa League oo ay ku garaacday Bayer Leverkusen oo laga jabiyey rikoodhkii guul-darro la’aanta ahaa ee ay xilli-ciyaareedkan oo dhan kusoo jirtay.

Weeraryahanka reer Nigeria ee Lookmann ayaa dhaliyey saddex gool oo daran-doorri ah oo kooxda Talyaaniga ee Atalanta siiyey guul 3-0 ah oo ay ka gaadhay Bayer Leverkusen oo ahayd koox koox kala daadsan oo aan u ciyaaraynin sidii lagu yaqaanay intii hore ee xilli-ciyaareedka.

Atalanta oo ay u ahayd markii ugu horreysay ee abid ay yimaaddaan finalka tartamada UEFA ayaa waxa libintooda ay uga mahad-celiyeen Ademola Lookman oo farxad usoo celiyey Atalanta oo toddobaadkii hore ku guul-darraystay Coppa Italia oo finalka ay ku garaacday Juventus.

Tababare Gian Piero Gasperini ayaa khibrad la ciyaaray tababare Xabi Alonso oo kooxdiisa aan laga badinin 50 ciyaarood oo xidhiidh ahaa, waxaana caawa ay u noqon lahayd kulankii 51aad balse Atalanta ayaa kasoo afjartay rikoodhkaas oo guul-darro xanuun badan u xambaarisay.

Daqiiqaddii 12aad ayaa Lookmann uu la kulmay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Davide Zappacosta waxaana uu darbad xooggan dhax dhigay shabaqa.

Mar kale ayaa uu Lookmann helay kubbad uu difaaca sii burburiyey oo uu darbad xooggan kaga toogtay bannaanka oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-0 daqiiqaddii 26aad, waxaana sidaas ay Atlanta waqti horeba ku xaqiijisatay inay guuleysanayso.

Iyadoo Bayer Leverkusen raadinaya inay samayso soo-laabasho ayaa waxa daqiiqaddii 75aad kubbadda mar kale helay Lookmann oo uu u furnaa shabaqa dhalinta goolashu, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-0, sidaana waxa ay ugu guuleysatay tartanka Europa League.