Baarlamaanka Hir-shabelle oo Ansixiyay Lix Degmo oo kamid noqonaya Degmooyinka Maamulkaas.

0
89

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta yeeshay kulankoodii afraad ee kalafadhiga afraad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa ay ansixiyeen lix Degmo oo kamid noqonaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kuwaasi ay horay u soo gudbisay Wasaaradda arimaha Gudaha Hirshabeelle islamarkaana ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeynta.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya