Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa ka dhaqan galaysa Lubnaan kadib markii heshiis lagu soo afjarayo 13 bilood oo dagaal ah uu bilaabmay dhaqangalkiisa 04:00, waqtiga maxalliga ah maantay oo Arbaca ah.
Kumanaan rayid ah oo reer Lubnaan ah ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahoodii koonfurta, laakiin Israa’iil ayaa ka digaysa inaysan weli ammaan ahayn inay ku noqdaan meelaha qaarkood.
Saxmad iyo ciriiri ayaa ka jira wadadda weyn ee ka timaada Beirut, baabuurta waxaa ka buuxa qoysas, shandado iyo firaashyo sida uu soo sheegayo weriyaha BBC-da Hugo Bachega oo warbixintan ka soo diray Lubnaan.
Ciidamada Lubnaan ayaa isku diyaarinaya inay 5,000 oo askari ay geeyaan koonfurta, taasoo qayb ka ah heshiiska, kaas oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Ciidamada Israa’iil ayaa duullaan dhanka dhulka ah ku qaaday Lubnaan ku dhawaad laba bilood ka hor, iyagoo ka jawaabaya ku dhawaad sanad weerarro gantaallo ah oo kaga imaanayay ururka Xisbullah.
Xabad joojinta ka socota Lubnaan si toos ah uma saameyn doonto dagaalka Israa’iil ee Gaza.