Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee Liverpool, Jamie Redknapp, ayaa sheegay in tababare Arne Slot uu khalad ku galay xulashada ciyaartoyda kulankii Reds 3-0 loogaga adkaaday, taasoo keentay in laga reebo Carabao Cup.
Crystal Palace ayaa ku adkaatay 3-0, iyadoo Ismaila Sarr uu labo gool dhaliyay qaybtii hore, halka Yeremy Pino uu goolka saddexaad dhaliyay qeybta labaad.
Redknapp oo la hadlay Sky Sports kaddib ciyaarta ayaa yiri:
“Waa xulasho khaldan, shaki kuma jiro. Uma fududeyn da’yarta sababtoo ah ciyaartoyda ay la ciyaarayeen ma ahayn kuwa ugu waayo aragsan.
Ma ii sheegi kartid inuu maanta xulanayo kooxdan isagoo hubinaya inuu natiijo kasoo saarayo Crystal Palace oo haatan ah koox aad u fiican. Waxaad rajeyn kartaa inay shaqeyso, laakiin anigu hal ilbidhiqsi baan aaminsanayn inay ciyaarta guuleysan karaan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waa khalad uu galay maanta, laakiin waa inuu xusuusnaado. Slot wuxuu ahaa mid aad u fiican tan iyo markii uu yimid kooxda. Laakiin tani waa cadaadis dhab ah oo dul hoganaya qof walba — waa sida kubbadu tahay.”
Liverpool ayaa la kulantay guuldarradeedii lixaad ee 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, taasoo sii kordhisay cadaadiska saaran Slot iyo kooxdiisa.






