Liverpool Oo Go’aan Culus Kasoo Saartay Mustaqbalka Arne Slot Kadib Guuldarradii Crystal Palace

0
129

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa meesha ka saartay mala-awaalka sheegaya in tababare Arne Slot laga ceyrin doono shaqada, kaddib markii ay kooxdu guuldarrooyin xiriir ah la kulantay, oo ay ugu dambeysay 3-0 oo Crystal Palace ku garaacday Anfield ciyaartii Carabao Cup.

Liverpool ayaa hadda laga badiyay 6 kulan oo 7-dii ciyaarood ee ugu dambeysay, waxaana ay sidoo kale afar kulan oo Premier League ah guuldarro la kulmeen, taas oo keentay inay hoos ugu dhacaan booska 7-aad ee miiska horyaalka, iyaga oo 7 dhibcood ka dambeeya Arsenal oo hogaamineysa.

Slot ayaa sameeyay 10 isbeddel kulankii Carabao Cup marka la barbardhigo shaxdii Brentford, taasoo keentay dhaleeceyn iyo su’aalo ku saabsan qorshihiisa ciyaareed iyo xulashada ciyaartoyda.

Si kastaba ha ahaatee, BBC Sport ayaa sheegtay in:

“Aysan jirin wax fursad ah oo Liverpool ay qiimayn ku sameyneyso mustaqbalka Slot. Weli wuxuu haystaa kalsooni badan oo gudaha ah.”

Waxaa la xusuustaa in Slot uu Premier League u qaaday Liverpool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, taas oo weli siinaysa “kalsooni” ama qiime weyn oo uu ku sii sii wato shaqadiisa.

Kooxdu waxay weli rumaysan tahay in Slot uu xaaladda ka soo saari karo kooxda, balse cadaadis xooggan ayaa sii fuuli kara haddii natiijooyinku sidaan ku sii socdaan.