Sacuudiga oo $19 bilyan kusoo iibsanaya diyaarado cusub

0
24

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda Saudi Group ee Boqrtooyda Sacuudiga ayaa sheegtay inay iibsan doonaan 105 diyaaradood oo Airbus ah, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay kii ugu weynaa ee diyaaradeed ee taariikhda Boqortooyada.

Shirkadda diyaaradaha ee Saudi Airlines ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heli doonto 54 diyaaradood oo A321neo ah, halka shirkaddeeda Flyadeal ay heli doonto 12 diyaaradood oo A320neo ah iyo 39 A321neo.

Qiimaha heshiiska ayaa dhan $19 bilyan, sida lagu sheegay bayaan gaar ah oo ay soo saartay Future Aviation Forum, shir ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo heshiiska lagaga dhawaaqay.

Bayaanka Sucuudiga ayaa lagu yiri, “Heshiiskan taariikhiga ah waxaa ku jira 105 diyaaradood oo la xaqiijiyey, wuxuuna u taagan yahay waqti muhiim ah oo aan ahayn warshadaha duulista hawada Sucuudiga oo keliya, laakiin sidoo kale gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee baaxadda weyn.”

Iibka, oo lagu tilmaamay “heshiiska diyaaradaha ee ugu weyn taariikhda duulimaadka Sacuudiga”, ayaa ka dhigan maalgashi dheeri ah oo ay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha Sacuudiga in ka badan hal sano ka dib markii la soo bandhigay diyaaradda cusub ee Riyad.

Boqortooyda Sacuudiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qorsheynayaan dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgeliyo caasimadda Riyadh, kaasoo qaadi kara 120 milyan oo rakaab ah sannadkii.

Taariikhda shirkadda diyaaradaha Saudia oo sidoo kale oo yaqaan oo sidoo kale loo yaqaan Saudi Arabian Airlines, waxay soo bilaabatay sannadkii 1945 markii ay heshay diyaaradii ugu horeysay oo aheyd hadiyad ka timid madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Franklin Roosevelt.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa u arka waaxda duulista qeyb muhiim ah oo ka mid ah ajandihiisa dib u habeynta “Vision 2030”.