Taageerayaasha Arsenal Oo Magacaabay Xiddigii Gunners Ee Sababay Guuldaradii Bayern Munich Ka Soo Gaartay

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taageerayaasha Arsenal ayaa magacaabay xiddigii Gunners ee sababta u ahaa guuldaradii ka soo gaartay Bayern Munich ee ay uga hareen tartanka Champions League.

Rajadii Arsenal ee ku guuleysiga koobkoodii ugu horeysay abid ee Champions League ayaa xalay la soo gabagabeeyay ka dib guuldarro 1-0 oo ka soo gaartay kooxda Jarmalka.

Joshua Kimmich ayaa dhaliyay goolka kaliya ee lugtii labaad ee wareega sideeda taasoo keentay in wadar ahaan kooxda Bundesliga ay ku badiso 3-2 labadii lug.

Gabriel Martinelli ayaa ku guuldareystay inuu raacdo Kimmich qeybtii labaad taasoo u ogolaatay xiddiga Jarmalka inuu kubad madax aheyd dhaliyo.

Inkastoo gool muhim ah ay aheyd, hadana waxay aheyd gool gashay taariikhda Champions League.

Goolka Kimmich waa goolkii 31aad ee laga dhaliyo wareega sideeda xilli ciyaareedkan, waxayna jabisay rikoodhka goolasha ugu badnaa ee wareega 8da UCL ee 30 gool oo la dhaliyay xilli ciyaareedkii 2003/04.

Arsenal ayaa u dagaalantay inay hesho goolka barbaraha laakiin waa ay awoodi waayeen, iyadoo rajadooda koob ee xilli ciyaareedkan ay haatan isagu soo uruurtay Premier League.

Ciyaarta ka dib taageerayaasha Arsenal ayaa weerar ku qaaday Martinelli madaama uu fursado qasaariyay islamarkaana uu u ogolaaday Kimmich inuu gool dhaliyo.

“Ma kan ayaa ah ciyaaryahankeena ugu halista badan? Sida caadiga ahba natiijo ma lahan” ayuu X ku soo qoray taageere careysan.

“Wuxuu ahaa mid aad u liitya, in muddo ahna sidaan ayuu ahaa” ayuu mid kale raaciyay.

Taageere seddexaad ayaa soo qoray: “Wuxuu qasaariyay fursadeenii ugu fiicneyd, wuxuuna raacan waayay xiddigii goosha naga dhaliyay.”

Taageere afaraad ayaa isna yiri: “Halista kaliya ee uu soo bandhigay maanta waxay aheyd midii uu ku soo bandhigay goolkeena hortiisa.”