Halis ka soo foolleh biyo-xireennada ku yaal webiga Tana River oo buux-dhaafay

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Kenya ayaa ka digtay in biyo xireenada korantada laga dhaliyo ay buux dhaafeen, sidaas awgeedna laama huraan ay tahay in biyaha laga siidayo si looha hortago in ay karkaarrada jabsadaan.

Tillaabadan lagu fasaxayo biyo-xireenada oo saamayn ku yeelan karta dadyowga ku nool jiinka wabiga Tana River oo ah webiga ugu weyn Kenya mara, kaas oo ay ku tiirsan yahiin dad faro badan oo beeroleey ah.

Deeqoow Maxamed Barrow oo ah Xildhibaan laga soo doorto magaalada Gaarisa oo booqday qaar ka mid ah biyo-xireennada ku yaal webiga Tana, sida Masinga and Kiambere ayaa BBC-da u sheegay in heerka biyaha ku jira biyo xireennadu ay meeshii ugu sarreysey gaareen.

Xildhibaanka ayaa kugu baaqay dadweynaha ku nool webiga daankiisa iyo meelaha kale ee godon in ay aad uga feejignaadaan daadad ka dhalan kara biyaha xawliga ku socda ee ka soo butaacaya biyo-xireennada ciirciiraya oo xilli walba la filan karo.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo baaraleyda gobolku aysan weli ka soo kaban khasaarihii ka soo gaarey fatahaaddii El Nino ee sanadkii hore oo tacabkoodi baabi’iyey, islamarkaana aan xamili karin daad kale oo si kas ah loogu soo faruuro.