Arsenal Oo Jabkii Barcelona Oo Kale Uu Ku Dhacay Ka Dib Guuldaradii Bayern Munich

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa jug weyn ay soo gaartay xalay ka dib markii laga reebay tartanka Champions League.

Kooxda Mikel Arteta waxaa tartanka ka reebtay Bayern Munich ka dib markii kooxda Jarmalka ay 1-0 ku badisay lugtii labaad taasoo ka dhigtay in wadar ahaan labada lug ay Bayern ku badisay 3-2.

Guuldaradaan ayaa ka dhigeysa in Arsenal ay xilli ciyaareedka ku dhameysan doonto koob la’aan ilaa mooyee inay horyaalka Premier League ka qaado Manchester City iyo Liverpool.

Guuldaradii xalay kaliya kama saarin Champions League laakiin sida Barcelona oo ku dhacday habeenkii Talaadada waxaa sidoo kale laga reebay tartanka la balaariyay ee FIFA Club World Cup.

12 kooxood oo Yurub ah ayaa ka qeybgalaya tartanka ka dhacay Mareykanka oo ay ku jiraan kooxihii ku guuleystay Champions League 2021 ilaa 2024- Chelsea, Real Madrid, Man City iyo kooxda ku guuleysan doonto sannadkan.

Sideeda kooxood kale waxaa lagu go’aaminayaa qiimeynta kooxaha ee UEFA.

Wadan walba waxaa loo ogol yahay labo kooxood oo ka baxsan kooxda ku guuleysaneysa Champions League, sidaasi darteed Arsenal waxay u baahneyd inay koobka ku guuleysato si ay ugu soo baxdo Club World Cup.

Bedelkii Arsenal waxaa booskeeda gashay kooxda reer Austria ee FC Salzburg oo ku soo baxday bandhigeeda tartamada Yurub ee xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay.

Salzburg iyo kooxihii dhawaan ku guuleystay Champions League waxaa kula biiraya tartanka Club World Cup kooxaha Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Inter Milan, Porto, Benfica, Borussia Dortmund, Juventus iyo Atletico Madrid.