ECOWAS oo xayiraadda ka qaadday Mali iyo Guinea.

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Jaaliyadda Dhaqaale ee ay ku mideysan yihiin Dalalka dhaca Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa qaaday xayiraad saarnayd waddamada Guinea iyo Mali.

Tani ayaa timid ka dib markii sidoo kale xayiraadda laga qaaday Niger oo uu militari maamulo.

Dalladda ECOWAS ayaa cunaqabateynta ku soo rogtay waddamadan ka dib afgembiyo militari oo ka dhacay intii u dhexeysay sanadihii 2020 iyo 2023.ECOWAS ayaa sheegtay inay meesha ka saartay xayiraaddii maaliyadeed iyo dhaqaale ee saarnayd Guinea.

Dowladda dalka Mali ayaa dhankeeda laga dul qaaday cunaqabateyntii ahayd in aqoonyahaanadeeda aan laga shaqaaleysiin karin jaaliyadda ECOWAS.

Daladdan ayaa horay meesha uga saartay xubinnimadii Mali, Guinea, Niger iyo Burkina Faso sababo la xiriira in ciidamada militariga ee dalalkan ay hoggaanka kula wareegeen qaab afgembi ah.