Wadanka Haiti oo labo sano Madaxweynaha lahayn iyo xiisad adag oo ka taagan

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wadooyinka Haiti ayuu mar kale dab ka kacayaa iyadoo ay dhamaatay waqtigii ra’iisul wasaaraha hadda jira, Ariel Henry, loo qabtay inuu xukunka kaga tago.

Tan iyo markii Madaxweyne Jovenel Moïse la dilay bishii Luulyo 2021, Haiti waxay ku jirtay xaalad ku meel gaar ah, iyada oo aan lahayn madax dawladeed iyo dawlad shaqaynaysa. Xaaladan ayaa ahayd in la soo afjaro laguna dhawaaqo doorasho sanadkii tegey ee 2023-dii.

Qorshahan waxaa looga fadhiyey Ra’iisul wasaare Henry oo 24-saac ka hor dhimashadiisa uu magacaabay Madaxweynihii hore ee dalkaas Jovenel Moïse. Waxaa kale oo aan fulin heshiiskii uu bishii December 2022-kii la gaaray ee wakiillada xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan ee dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ku aaddan in doorasho la qabto sannad gudihiis.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku dooday in heerka rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii xumaanaya ay ka dhigayaan mid aan suurtagal ahayn in la damaanad qaado doorasho xor iyo xalaal ah waqtigan.

Xiisadaha ayaa sii kordhay maalmihii ka horreeyay toddobadii Febraayo, oo ah taariikh calaamad u ah Haiti, maadaama ay calaamad u tahay dhamaadka kalitalisnimada uu bilaabay François Duvalier oo uu sii waday wiilkiisa Jean-Claude ilaa 1986 waana taariikhda dhaqan ahaan, madaxweynayaasha ay xilka la wareegaan.

Dalka Haiti waa mid ay si weyn ugu dhex milmeen kooxaha burcada ee hubaysan sannado badan.

Niyad jabka iyo carada ay shacabku ka qabaan siyaasadda iyo sidoo kale heerka naxdinta leh ee rabshadaha dalkaas ayaa ah mid sare. Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay tirooyinka dadka ku barakacay rabshadaha oo gaaraya 314,000 oo qof, ayadoo mudaaharaadyadana ay sii xoogeysanayaan.

“Dalka waxaa afduub u haysta kooxaha burcadda ah, cunto aan cuno ma haysano, caruurteena ma geyn karno iskuul,” ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP mid ka mida dadka dibax baxa dhigayey

 

XIGASHADA SAWIRKA,EPA/EFE

Maalinta toddobada Febraayo, waxay dadka Haiti banaanbaxa u bilaabeen in Raysal wasaare Ariel Henry xafiiska ka tago.

Xaaladda markii horeba kacsanayd waxaa sii xumeeyay soo laabashada Guy Philippe, oo ahaa taliyihii hore ee booliiska, kaasoo door muhiim ah ka qaatay afgambigii madaxweynihii hore ee Bertrand Aristide 20 sano ka hor.

Philippe ayaa dib loogu celiyay Haiti bishii November isagoo ka yimid Mareykanka, halkaasoo uu ku dhameystay xukun xabsi ah ka dib markii uu qirtay inuu qaatay laaluush si uu u ilaaliyo shixnadaha maandooriyaha.

Tan iyo markii uu soo laabtay, Philippe waxa uu baraha bulshada lagu wadaagayay fariimo muuqaal ah oo uu ugu baaqayo “kacdoon” ka dhan ah Henry.

Talaadadii, ayaa sidoo kale lagu arkay magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, isagoo gacan qaadaya taageerayaashiisa. Markii dambe wuxuu soo wacay barnaamij toos ah oo raadiyow ah, wuxuuna u sheegay dhageystayaasha in “dagaalku uu yahay billow.”

Xiisadda ayaa sii korodhay markii ay booliiska isku dhaceen xubno hubaysan oo ka tirsan Guutada Ammaanka ee Haiti, kuwaas oo loo yaqaan BSAP.

Qaar badan oo ka mida xubnaha BSAP ayaa lagu xiriiyaa inay xulufo la yihiin Philippe, waana guutada lagu eedeeyay inay noqdeen koox dabley ah halkii ay ka ahaan lahaayeen hay’ad ilaalinta deegaanka.

Henry ayaa isku dayay in uu awood ku yeesho guutada isagoo shaqada ka eryay madaxii waaxda u qaabilsanaa kooxda, balse talaabadaas ayaa ka careysiisay xubnahooda.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay in ciidamo caalami ah loo diro Haiti si ay gacan uga geystaan xakameynta kooxaha burcadda ah, balse ilaa hadda Kenya oo kaliya ayaa ballan qaadday inay ciidamado u dirayso dalkaasi.

Kaalmadii Kenya ee ciidamada ay u diri lahayd Haiti ayaa la hakiyey ka dib markii Maxkamad ay diiday daabulidda ciidanka.

Meelaha qaar ee caasimadda, Port-au-Prince, oo ay ku hareeraysan yihiin buuro, ayey maamulaan kooxaha burcadda ah.

Kooxahan oo wata magacyada Haitian Creole, Kraze Barye, Gran Grif, waxay gaystaan dhac, baad ay dadka ka qaadaan, afduub, kufsi iyo dil labadii sano ee la soo dhaafay

Kooxaha burcadda ah ayaa xilliyada qaar maamula ama weerara waddooyinka muhiimka ah ee soo gala iyo kuwa ka baxa caasimadda. Sidoo kale waxay kooxaha burcadda gaystaan gubidda magaalooyin dad rayid ah degan yihiin.

Jahwareerka ay abuureen kooxaha burcada dalka Haiti, waxa ay khalkhal galiyeen adeegyadii bulshada iyo shaqooyinkii hay’adaha gargaarka bini’aadannimo, waxaana sii xumeeyay faqriga iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalkan oo markii horeba ka mid ahaa kuwa ugu saboolsan caalamka.