Thomas Muller Oo Si Carro Leh Uga Falceliyay Dharbaaxadii Bayern Munich Ka Soo Gaartay Leverkusen

0
97

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Thomas Muller ayaa bixiyay wareysi uu carro xoogan ku muujiyay ka dib markii ay Bayern Munich guuldarro ka soo gaartay Bayer Leverkusen shalay oo Sabti aheyd.

Bayern Munich ayaa dhulka lagu jiiday islamarkaana guuldarro 3-0 kala kulantay kooxda hogaanka heysa ee Leverkusen oo marti loogu ahaa BayArena.

Josip Stanisic ayaa shabaqa ka soo taabtay kooxda milkiyadiisa iska dhaliyay halka Alex Grimaldo iyo Jeremie Frimpong ay dhaliyeen labada gool kale.

Leverkusen waxay shan dhibcood oo nadiif ah ka sareysaa kooxda difaacaneysa horyaalka, waxayna yihiin kuwa aan laga badinin xilli ciyaareedkan Bundesliga iyadoo badiyay 17 ka mid ah 21 kulan oo ay ciyaareen horyaalka.

Xabi Alonso ayaa sii dhisanaya sumcadiisa isagoo taageerayaasha ku soo jiitay qaabkii uu kooxda u la dabaaldegay ka dib guushii weyneyd ee ay gaareen.

Thomas Muller ayaa isna dhankiisa weerar ku qaaday asxaabtiisa kooxda isagoo dhaleeceeyay qaab ciyaareedkooda.

Muller wuxuu eeda ka leexiyay tababare Thomas Tuchel isagoo sheegay in ciyaartoyda ay qaadeyso mas’uuliyada natiijada.

Isagoo u hadlayay Sky Sports Germany, waxa uu yiri: “Calaamado aan fiicneyn ayaan garoonka ku dhex arkay. Haddii aan daacad u hadlo aad ayaan u careysanahay.

“Sida uu Oliver Kahn yiri, waxaa ciyaartoydeena ka maqan ragganimadii ciyaarta. Tababarka waxaan ku nahay kuwa fiican. Waana okay inaan dareeno cadaadiska laakiin waa inaan la imaano tamar iyo xoriyad. Taas ayaana ka maqan ciyaareeteena.”

34 jirkaan ayaa hadalkiisa raaciyay: “Mararka waa qasab inaan ka hadalno ciyaartoydeena, ma ahan kaliya inaan ka hadalno tababaraha.

“Waxaan heysanaa ciyaartooy badan oo heer caalami ah oo ka ciyaara heerka ugu sareeya, waxaana u baahanahay inaan ciyaarteena sarre u qaadno.”