Sergio Ramos ayaa ku adkeysanaya inuu cusbooneysiiyo qandaraas labo xilli ciyaareed ah, iyo inuu qaato mushaar ka wanaagsan kan hadda uu qaato, halka Real Madrid ay diiday gabi ahaanba shuruudahan, sababtoo ah siyaasada kooxda waxay ku xirantahay cusbooneysiinta qandaraasyada ciyaartoydii hore hal xilli ciyaareed oo kaliya.
Sida laga soo xigtay wargeyska “ABC” ee dalka Spain, Real Madrid ayaa u soo bandhigtay Ramos inuu cusbooneysiiyo qandaraas hal sano ah, iyo inuu dhimo 10% mushaarkiisa.
Wargeyska “ABC” ayaa sidoo kale sheegay in Zinedine Zidane ka codsaday maamulka Real Madrid inay xaliyaan dhibaatada Sergio Ramos isla markaana loo cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, si loo xaqiijiyo in kooxda uu ka sii mid noqon karo ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale.
Waxaa jira kooxo isho ku haya xaalada Sergio Ramos, ilaa iyo haatanna wax heshiis ah lama gaarin kooxna, laakiin ciyaaryahanka ayaa ka warqaba haddii uusan cusbooneysiinin qandaraaska, inuu helayo dalabyo badan.