Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Isboortiga Horumarka iyo Nabadda oo sannad walba dhacda 6-da Abriil, waxay soo bandhigaysaa fursad lagu aqoonsado doorka wanaagsan ee cayaaraha iyo dhaqdhaqaaqa jireed ay ka ciyaaraan bulshooyinka iyo nolosha dadka adduunka oo dhan.
Isboortigu wuxuu awood u leeyahay inuu beddelo adduunka, waa xuquuq aasaasi ah iyo qalab awood leh oo lagu xoojinayo xiriirka bulshada laguna horumarinayo si loo helo horumar iyo nabad waarta.
6-da Abriil waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha Horumarinta iyo Nabadda. Qaadashada maalintan ayaa muujinaysa aqoonsiga sii kordhaya ee Qaramada Midoobay ee saamaynta taagan ee ciyaaruhu ku yeelan karaan horumarinta xuquuqul insaanka, iyo horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.
Hadaba qaar kamid dhalinyarada sportska ee deegaanka dhoobley ayaan wareysi la yeelanay kuwaas oo ka warbixiyay kaalinta muuqata ee ay ciyaaruhu ka qaadan karaan hormarinta Nabadda iyo sido kale waxa ay uga dhigantahay maalintan.
Dhanka kale cabdiraxin kaadhari oo ah gudoomiyaha sportska deegaanka dhoobley ayaa ka warbixiyay sida ay ciyaaruhu ugu qeyb qaadan karaan isdhaxgalka bulshada iyo sido kale waxa u uga dhigantahay maalinta Caalamiga ah ee Isboortiga Horumarka iyo Nabadda
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay
.