Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha Adduunka oo maanta ku beegan.

0
297

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Biyaha Adduunka,waxaa la xusaa maanta oo kale 22-ka Maarso sannad kasta laga soo bilaabo 1993, waxaana  diiradda lagu saaraa muhiimada biyaha macaan ee adduunka.Maalinta Biyaha Adduunka ayaa u dabaaldageysa biyaha, waxaana kor loo qaaday wacyigelinta 2.2 bilyan oo qof oo aan haysan biyo nadiif ah.

Waxaa loo baahan yahay  in la qaado tallaabo wax looga qabanayo dhibaatooyinka biyaha caalamiga ah.Ujeedada ugu muhiimsan ee Maalinta Biyaha Adduunka waa in la taageero gaaritaanka Hadafka Horumarinta Joogtada ah ee fayadhowrka dhammaan dadka marka la gaaro 2030.

Hadaba qaar kamid ah maamulka ceelasha deegaanka dhoobley ee gobolka jubada hoose oo aan ku booqonay goobahooda shaqo ayaa inooga warbixiyay biyaha dadka ay siiyaan tayadooda iyagoona dhanka kale soo dhaweeyay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay mainta biyaha.

Dhanka kale iyagana waxaan dhankooda ka soo waraysanay qaar kamid ah bulshada deegaanka oo aan ka soo waraysanay in ay helaan biyo ku filan oo tayo leh iyagoona inoo sheegay in biyo kufilan ay ka helaan ceelasha deegaanka islamarkaana xusay in ku faraxsanyihiin maalintan caalamiga ah ee loo asteeyay maalinta biyaha adduunka.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya