Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed kaasoo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa.
Kulanka ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso Xukuumadda Soomaaliya halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.
Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha ka dhacay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dólar.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.
Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay.
Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli socda, iyada oo dalal iyo hay’adaba ay ku lug leeyihiin ka jawaabista masiibadani.