Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo maanta wafdi uu hoggaaminayo uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”.

Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan”.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aas aasay urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea.