Xisbullah oo sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Israa’iil uu geli doono weji cusub.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto ciidamada Israa’iil uu geli doono weji hor leh.

Waxay hoosta ka xarriiqday in maalmihii ugu dambeeyay ay soo saartay hub cusub.

Arinkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada militariga ee Israa’iil ay shaaciyeen in ay gudaha Qaza ku dileen hoggaamiyihii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Yaxya Sinwar oo beddelay Ismaaciil Haniyeh oo la dilay bishii Toddobaad ee sanadkan.

Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin ayaa sheegay in dilka Sinwar uunan ka dhignayn in duullaanka Qaza la soo afjaray.

Ciidamada Israa’iil ayaa in ka badan sanad waxa ay ugaarsanayeen hogaamiyaha Xamaas, kaas oo lagu waayay Qaza wax yar ka dib markii la abaabulay weeraradii 7-dii October ee sanadkii hore.