Laacibkii hore khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid, Fernando Gago ayaa qarka u saaran inuu ku dhawaaqo inuu ka fariisto ciyaaraha, isagoo jira da’da 34-sano.
Gago kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Velez Sarsfield ayaa xaqiijisay go’aanka uu ciyaaraha ku joojinayo shalay oo Talaado ahayd gelinkii dambe.
Haatan kaliya waxaa la sugayaa in Fernando Gago uu si shaqsi ah isagu ugu dhawaaqo ka fariisashadiisa ciyaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.
Sababta ugu weyn oo uu isagoo da’yar ciyaaraha uga fariisanayo ayaa lagu sheegay inay dhaawacyo hareeyeen mustaqbalkiisa ciyaareed.