Xaruun qaabilsan baaritaanka xanuunada halista ah oo laga daah-furay Muqdisho.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha XFS Xildhibaan Suuro Xaaji Culusoow iyo mas’uuliyiin Kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeybgalay furitaanka xarun qaabilsan baaritaanka xanuunada halista ah ee ku dhaca bulshada.

Xafladdii furitaanka xaruntaasi oo ka dhacday Cisbitaalka Shaafi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir,Ururka Dhaqaatiirta iyo marti sharaf kale oo matalayey cisbitaalada caasimadda.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha XFS Xildhibaan Suuro Xaaji Culusoow oo ka hadashay xafladdaasi ayaa sheegtay in qalabka cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalkaasi uu wax weyn ka tarayo baahida bulshada ay u qabaan xagga caafimaadka.

Qalabka cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalkaasi waxaa kamid ah CT Scan,Altra sound iyo Emography,kuwaas oo suurgalinaya ogaanshaha xaaladda caafimaad ee bukaanada.