Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ganacsatada magaalada dhoobley ayaa malinba maalinta ka danbaysa kor u sii qaadaya hormka deegaanka.Horaan magaalada dhoobley baabuurlaydu ku nool waxay ku dhibaatoonayeen helidda shidaal tayo leh hadda waxaa taasi meesha ka saaray iskaa shatada ganacsada deegaanka waxaana magaalada laga hirgaliyay kaalimo shidaal.
Hadaba munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu xadhig jarayay casri petrolium oo ah kaalin shidaal ayaa lagu qabtay xarunta kaalintaasi shidaal, Munaasabadan xadhig jarka ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka magaalada dhoobley ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka.
Waxaana Ugu horayn meesha kahadlay gudoomiyaha magaalada dhoobley siyaad maxamed xasan waxa uuna u mahadceliyay casri bathroomiyal hormarka muuqda ee ay deegaanka ku soo kordhiyeen.Dhanka kale gudoomiyaha ganacsatada deegaanka dhoobley maxamed deeq cabdi qase ayaa soo dhaweeyay shirkada cusub ee casri petrolium.
Ugu danbayn madaxa shirkada casri petrolium cabdisalaan cabdulaahi haajir oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in kaalintan shidaal ee deegaanka laga hirgaliyay ay ka turjumayso horumar u soo korodhay deegaanka oo dhanka Shidaalka ah iyo ganacsigaba.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramya