Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.
Dadka ay labada dhinac sii daayeen ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweyne aad u faraxsan, oo ay ku jiraan Israa’iiliyiinta isugu soo baxay magaalada Tel Aviv iyo Falastiiniyiinta oo isugu soo baxay magaalada Ramallah.
Xabbad-joojinta ayaa ku baaqaysa in Xamaas ay sii deyso 33 haween, carruur, waayeel, dadka buka iyo kuwa qaba dhaawacyo muddo lix toddobaad ah oo uu socda wejiga koowaad, iyadoo Israel ay 30 maxbuus ku bedelanayso halkii qof ee rayid Israeli ah oo laga hayo, halka askarigana ay ku deyneyso ilaa iyo 50 maxbuus.
Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.