Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dalbaday in siyaasiga caanka ah ee Marwan Barghouti uu ka mid noqdo maxaabiista Falastiiniyiinta ee laga wada hadlayo in laga sii daayo xabsiyada Israel.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu gadaal ka taagan yahay ayaa maalintii labaad Magaalada Sharm El-Sheikh ka sii waday dadaalada lagu dhexdhexaadinayo wufuudda Israel iyo Xamaas, kaas oo looga hadlayo waqtiga la dhaqangelinayo xabad joojinta Gaza, qaabka la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo kuwa ay tahay in la si daayo, ka dib qorshihii Madaxweyne Donald Trump ee labaatanka qodob ka koobnaa, laguna doonayo in lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Xamaas ayaa laga doonayaa in wejiga koowaad ay sii deyso dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwii dhintay. Qorshaha ayaa waxaa qayb ka ah in Israel ay iyaduna sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba boqol oo kuwa xabsi daa’inka ku xukuman ah iyo in sidoo kale ay ciidamadeeda kala baxdo Marinka Gaza.
Warbaahinta Masar ayaa ku warantay in wada hadalkii Talaadadii uu ka adkaa midkii Isniintii ka bilowday magaalada loo dalxiiska tago ee Sharm El-Sheikh.
Al-Qahera News oo si dhow loola xiriiriyo Sirdoonka Masar ayaa sheegtay in wada hadaladii ugu dambeeyay ee Talaadadii diiradda lagu saaray liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Israel ku sii deynayso hindisaha nabadda ee Trump.






