Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xabbad joojin ka hirgasha Qasa ayaa lagu wadaa inay subaxnimada hore ee Sabtida ka dhaqangasho halkaa, 24 saacadood ka dib markii ay ogolaatay dawladda Israa’iil.
Marka ay taasi bilaabato, la haystayaasha ayaa lagu sii deynayaa sida qorshuhu yahay 72 saacadood gudahood.
20 ka mid ah ayaa la rumeysan yahay inay nool yihiin. Taa baddalkeeda, boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa laga sii dayn doonaa jeelasha Israa’iil.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo lagu eedeeyay inuu colaadda sii dheereeyay arrimo siyaasadeed awgood, ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo gacan ka geystay wada xaajoodka heshiiska.
Madaxa Xamaas ee Qaza, Khaliil Al-Hayya, ayaa sheegay inuu dammaanad ka helay Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha in dagaalku dhammaaday.