Wolves ayaa lagu soo warramayaa inay raadineyso inay dalab u dirto weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala haddii Adama Traore uu ku sii jeedo albaabka looga baxo garoonka Molineux.
Traore ayaa ku dhibtooday inuu ku soo bilowdo safka hore ee Kooxda Tababare Nuno Espirito Santo xilli ciyaareedkan, waxaana la rumeysan yahay inuu ka careysiiyay Kooxda West Midlands heshiiskii ugu dambeeyay ee ay soo bandhigeen.
24-sano jirkaan ayaa heshiis kula jira Kooxda Wolves ilaa sanadka 2023-ka, laakiin xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Premier League waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii hore, Traore kama yarayn doono kooxaha doonaya haddii uu ka fiirsado inuu u dhaqaaqo meel kale.
Wolves ayaa lagu soo warramayaa inay isha ku hayaan xiddig magac weyn leh oo bedel u noqon kara Traore, iyadoo Warsidaha Calciomercato uu warinayo in Dybala uu si aad ah diiradda ugu saaran yahay kooxda West Midlands, iyadoo Juventus ay ka mid tahay Kooxaha doonaya saxiixa Traore.
Kooxda Santo ayaan sidoo kale wax walwal ah ka qabin lacagta, iyadoo sidoo kale warbixinta ay sheegeyso in Bayern Munich ay tahay koox kale oo il gaar ah ku heysa arrimaha ku hareeraysan Traore ayna diyaar u tahay inay 80 milyan oo Euro oo u dhiganta 71.7 milyan oo gini ku iibsato xiddigan reer Spain.
Dybala waxaa soo gaaray dhaawacyo intii lagu jiray bilowgii xilli ciyaareedka 2020-21, wuxuuna kaliya uu Juventus ugu bilowday safka hore labo kulan oo heer sare ah xilli ciyaareedkan, laakiin 27-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore kooxda haysata horyaalnimada Talyaaniga u dhaliyay 17 gool, isagoo u sameeyey 14 caawin tartammada oo dhan.